Home                  Wararka                  Maqaallada               Islaamka              Dhaqaalaha         Waxbarashadda               Cayaaraha        Suugaanta         Contact us
  allburtinle.com
kaalonederland.org
Allsbc.com
Alcarab.com
Allpuntland.com
Allsanaag.com
Aminarts.com
Afnugaal
Aflax
Allwadani
Altaqwaa.com
AllSomali.com
BBC Soomaali
Biyokulule
Dayniile
Dhahar.com
Jamhuuriya
Jirac.com
Gedonet.com
Godeynews.com
Golkhatumo.com
Hiiraan.com
HornAfrik Online
Hobyonet
Horseednet.net
Ramaas Software
Radio Garowe
Radio Dalmar
Laasqoray.net
MarkaCadey.net
Mudug Online
Mudulood.com
Midnimo.com
Puntlandpost
Puntlandonline
Qandala.com
Somalia Online
Somalitalk
Somalitribune
Somaliweyn
Somaliland.org
Onkod.net
Widhwidh.com
WardheerNews
 
Duullaanka shisheeye iyo demmanaanta Soomaalida!

Kulminta tagtadaadii shalayto iyo joogtadaada maantu waa oddoroska timaaddaada berrito. Qofaan waxa jooga garanna, ma saadaalin karo wax iman kara iyo sida ay hadhowto noqon doonto”!

 

Haddii aqalka daahyadu go’aan daakhilkaa xigiye

  Daaroodka jabay waa Isaaq dadab ku xeerrayde

  Maxaan kaga digtaa ruux la diley sow ma daba joogo !

 

Gabyaagii weynaa ee ruug caddaaga ahaa ee Salaan Carrabey ayay qolooyin u yimaaddeen sannadkii la jebiyey ciidamadii Daraawiishta ee Seyid Maxamed Cabdulle Xasan. Iyaga oo jabkaas u riyaaqsan ayay Salaan ku yidhaahdeen “gabay digasho ah ka tiri jabkaas”! Way ogaayeen Salaan iyo Ina cabdulle Xasan in ay ahaayeen laba nin oo aan  isku san bannaanayn, colaad ka dhaxaysana isku hayey. Gumaysigii Ingiriiska oo Seyidka jebiyeyna Salaan Carrabay kashiisu uma aanay hayn jacayl gaar ah, waxaanu ogaa marka ay Soomaali dilayaan in aanay hadhowto teello u dhigan doonin Soomaaliga kale ee haddeer Ingiriiska u rixinaya ama dhilifka u ruxaya oo isna ay berrito birayn doonaan. Sidaas daraadeed ayuu Salaan Carrabey ugu jawaabay qolyihii ku lahaa ku digo Seyidka jabkiisa gabay qiimo leh oo ay ka mid yihiin saddexda tuduc ee xagga sare ku qorani! Kulminta tagtadii shalayto iyo joogtadaada maantu waa oddoroska timaaddaada berrito. Waa sababta loo weeleeyaa sooyaalka ummadeed!

 

Maanta qarni ku dhowaad ka dib, ayaynu markhaati ka nahay oo ku aragnaa indhaheenna oo shaahid ah Soomaali ku diirsanaysa oo ku faraxsan in  xoog shisheeye oo weliba cadaawad iyo nactooyo guun ah ka dab qaadanayaa xasuuqo, gumaado oo qabsado Soomaali kale iyo geyigooda. Uma jeedo qolyaha iyagu “gargacaday” ee meel ku gaadhka Impageti ee Tigreega daba hunnuushinaya ee ay Geeddi iyo Col. Cabdullaahi metelaan, ha yeeshee Soomaali badan oo kale ayaad la kulmaysaa oo u riyaaqsan ciidamada Tigreegu in ay qabsadeen Soomaaliya iyo in la jebiyey Midowgii Maxaakimta Islaamiga ahaa ee dhowaan sida qiimaha leh u sugay ammaanka iyo kala dambaynta meelo badan oo ka mid ah waddanka Soomaaliya, gaar ahaan magaalada Muqdisho iyo nawaaxigeeda oo ahaa meelihii ugu darnaa ee dagaallada sokeeye naafeeyeen. Waxayse u darrayd habeen hore (08/01/07), markii TV-ga ku hadla afka taliska Meles Zenawi ee Addis ababa (ETV), la soo fadhiiyey, Daahir Riyaale Kaahin, ninka madaxweynaha ka ah Somaliland, ee uu ku hadaaqay sidii ilmo cayddi ah oo hadal barad ah “in uu soo dhowaynayo oo ku faraxsan yahay hawlgallada milateri ee Itoobiya ay ka waddo gudaha waddanka Soomaaliya”! 

 

Doqoneey dabkaa ba’! Tolow muxuu intaas dhaafsanayaa oo ku beddeshay?  Dee waxba! Keliya waxa ay taasi caddayn u tahay halka liidata ee ay yaalliin maskabka uu sitaa, magaciisa laftiisa iyo dhiriqda dhaxal xumaantu weheliso ee uu jiidayo magaca ummadda uu afkeeda ku hadlayaa. Waxa kale oo taasi ka marag kacaysaa in nidaamka Tigreegu, sida ay iyaba sheeganayaan, ay rumeeyeen riyadoodii in ay wada qabsadaan dhulalka Soomaalida oo dhan. Meelo waxaa loo qabsaday si dadban oo ay isu dhiibeen, meelo kalena waxa lagu muquuninayaa xoog iyo cudud, si ay isu dhiibaan.

 

Bal eega sida Somaliland u dhex muquuratay fadeexaddii iyo dibindaabyadii cadowga shisheeye ka maleegayey gobolka Geeska Afrika. Weedhaha Daahir Riyaale waxa ay la walaaloobayaan kuwii Cadde Muusaha Puntland ee Tigree iska yeel yeelka ahaa. Labadoodaba; Daahir iyo Cadde; waxa walaalo ka waa weyn u ah Geeddi iyo Col. Cabdullaahi. Afartoodana waxa aabbe (gacan ku rimis ah) u ah Meles Zenawi oo isna ah ardaygii “qalin duurraha” Bush-ka Maraykan.  Isaguna (Melesna) waxa uu adeegsanayaa siyaasad nactooyo iyo cadaawad guun ah salka ku haysa: In aan ifka dib loogu arag Soomaali macne leh oo xoog leh, tashan karta oo erey munaasib ah madal ka odhan karta, ayuu Meles faraska u saaran yahay. Wuu og yahay oo kelidii ma hawaysan karo Soomaali xitaa kala daadsan, hase yeeshee Soomaali baa noqotay “geedkii” ka cataabayey “gudintii” dhex gashay ee “daabkeeda” geedku lahaa! Waxa uu Soomaali ka dhex helay qaar doqonniimo ay quluubtooda buuxisay oo damiirlaaweyaal ah.

 

Soomaalida wixii dhex yaallaa waa subag “sixin” ah oo weel gudihiis ku daatay. Hase yeeshee waxa doqonniimo ugu weyn kuwan Itoobiya u soo hor kacay geyiga Soomaali. Kuwan u riyaaqaya gumaadka ay diyaaradaha dagaalka ee Itoobiya iyo kuwa Maraykanku ay ku hayaan dadka Soomaalida; weliba dadka aan waxba galabsan ee xoolo raacatada ah iyo lammaanayaasha u xafladaynaya munaasibadda arooskooda. Sowtaa Geeddi iyo Cabdullaahiba noqdeen “bakhtiya-cunka”! Sowtaas Cadde Muuse “bakhtiya-cunnimada” kula bahoobey. Sowtaas Daahir Riyaalena dabinkii “bakhtiya-cunnimada” sida indhaha la’ dalaq u yidhi!

 

Sida aayatiinka soomaalidu maanta u arag xun yahay uma Alle la’a! Dheeshan la igu wiirtey ee gefka lagu heshiiska yahay, waxa ay leedahay garsoore maqan. Maanka dadkaa gaajaysan, garashaana gaajo beel u ah. Xumaanta iyo midiidinnimada maanta soomaalida lagu wadaa waa bilowgii garashada iyo gaajo beelka. Waxa awoodaysan doona xoogagga iska caabinta iyo ka libaysiga isticmaarkan hangalka la soo kacay iyo kuwa daba nahnah leh ee fuleyda ah. Waxa soo laabanaya Soomaaligii hore ee dhabta ahaa. Waa Soomaali midiidinnimada shisheeye nebcaa ee diidi jirey. Waa Soomaali haybadda iyo milgaha lahaa ee kala yaqaanney, una kala  suntanayd arrinta sokeeye  dhex taalla iyo arrinta nacab shisheeye la soo hindiwaasayo!

 

Waad baahan tahay looma bahalo cuno. Berraa darani bur dhaaf. Maalmihii qaar baa dambeeya. Dadyohow waa la doogiye yaan la dacaroon!

 

Bal ogow isticmaarku abidkii

Irridduu marinaayo awr raran
Irbad buu ku dayaa ayaanta horee
Raggan aan arkayee u abasaxayow
Ninowna ha odhan Soomaalaan ahaye
Ordoo magacana ka iibsada!

Maxamed Ismaaciil X. Maxamuud “Batrkhad cas”

 

Qalinkii Maxamed Baashe X. Xasan

mohamedbashe@hotmail.com

Fikrada qoraaga maqaalka ku saxiixan ka turjumimayo shabakadda Waayaha.net




   
Qaar ka mid ah Deegaanada Soomaaliland oo 18ka May ku Sheegay maalinta nadaafada iyo qashin aruuriska!!(Daawo Muuqaal+Warbixin)‏    19 May 2013
Ururka sahal oo bayaan adag ka soo saaray caddaallad xumada iyo faragelinta qaawan ee Xasan Sheekh    19 May 2013
Dawwo:Haween Soomaali ah oo xabsiyo dheer dheer lagu xukumay dalka Maraykanka    18 May 2013
Maxkamada Magaalada Minneapolis ee Mareyknka oo xukun kala duwan ku riday dhalinyaro Soomaaliyeed!!(Daawo Muuqaal+Warbixin)‏    16 May 2013
BAYAAN URURKA SAHAL UK    15 May 2013
© Copyright   Waayaha.Net    All rights reserved.   editor@waayaha.net       Design by   Ramaas Software