Nairobi,(WNT):-Chelsea ayaa u soo baxday heerka quarterfinals ee koobka Champions League wallow ay bareejo niyad jab ah oo gool la’aan ah ay ka qaadatay FC Copenhagen kulankii 2aad oo ay caawa wada ciyaareen.
Kooxda heysatay Premier League, waxey keyd ahaan u heysatay 2-0 ay ku soo badisay kulankii Denmark, , waxeyna sidaa ku noqotay kooxdii 3aad oo English ah oo banaanka isa soo dhigta.
Didier Drogba iyo Nicolas Anelka, oo ciyaarta lagu bilaabay waxey kooxdooda ka qasaariyeen fursado qaali ah oo soo maray iyadoo Fernando Torres kursiga keydka lagu bilaabay.
Kooxda reer London waxey dooneysaa iney markii 6 aad mudo 8 sano gudahood ah ay gaarto wareega semi-final-ka ee tartankaan, iyadoo 3 ku noqotay Tottenham Hotspur iyo Manchester United oo horey u soo baxay.
Isku aadka ciyaaraha quarter-final-ka waxaa la sameyn doonaa maalinta Friday.