Nairobi,(WNT):-Kooxda Kubada Cagta ee Real Madrid ayaa gaartay wareega 8-da kadib markii xalay 3:0 uga awood sheegatay kooxda kubada cagta ee Lyon.
Daqiiqadii sideedaad ayaa waxaa goal aad u quruxbadan oo uu u soo dhiibay Cristiano Ronaldo dhaliyey cayaar yahanka reer Brazil ee Marcelo, isagoo la soo dhexmarey difaaca Lyon ka dibna shabaqa lulay.
Wax yar ka dibna waxaa gool labaad u dhaliyey Karim Benzema, isla daqiiqadii 76 aadna waxaa goolkii sadaxaad dhaliyey Angel Di Maria.
Kooxda Kubada cagta ee Real Madrid ayaa xalay u muuqanaysay mid si aad ah cayaaryahanadooda isugu kalsoonaayeen in wareega 8-da u gudbi karaan.
Tababaraha Kooxda kubada Cagta ee Real Madrid Morinho ayaa sheegay in guushii xalay gaareen aheyd mid ay u qalmeen.
Isaga oo sheegay in rajo ka qabaan in koobkaan ku guuleystaan.
Balse waxaa uu xusay in uu jeclaan lahaa in aan lagu soo aadin Kooxaha Chelasea iyo Inter Milan oo xili tababare u aha.
Xafiiska Wararka Waayaha.net,Nairobi-kenya.