Nairobi,(WNT):-Malkiilaha kooxda kubadda cagta ee Chelsea Roman Abramovich ayaa ugu baaqay Fernando Torres in uusan ka walwalin abaarta dhanka gool dhalinta ka haysta tan iyo markii uu ku soo biiray Chelsea.
Abramovich ayaa qeexay in ciyaaryahano badan oo xirfadlayaal ah uu keeni doono garoonka Chelsea ay ku ciyaarto si Torres uu noqdo gool dhaliye wanagsan.
Maal qabeenkan udhashay wadanka Ruushka ee iska leh kooxda Chelsea ayaa sheegay in Torres uu yahay ciyaaryahan qibrad wanagsan leh guulo badane u horseedikara naadiga Blues-ka.
“Torres hadii ay gool dhalin la,aan ku dhacday waxaan ku qasbanahay inaan keeno garabadiisa ciyaaryahno qibrad wanagsan leh oo usuuro gelinaya in uu noqdo gool dhaliye ,sida uu ku can baxayba ,waana ciyaaryahan aan jecelahay qaab ciyaareedkiisa.” Sidaas waxaa yiri Roman.
Ciyaaryahanada liiska hore kaga jira dalabka Roman si Torres uu unoqdo gooldhaliye halis ah ayaa waxaa ka mid ah xidiga kooxda Real Madrid iyo wadanka Barazil Kaka, Marek Hamsik oo qadka dhexe kaga ciyaara kooxda Napoli ee wadanka Talyaaniga, Eden Hazard oo garabka kaga shar taga kooxda Lille ee ka tirsan kooxaha heerka koowaad ee Faransiiska.
Malkiilaha Chelsea ayaa hadalkiisa ku soo afmeeray in uusan joojin doonin maalgelinta kooxdIISA inta uu kahelayo ciyaaryahano fahmikara qaab ciyaareedka Torres.
Torres ayaa xilli ciyaareedkan bartamihiisa kaga soobiiray Chelsea kooxda Liverpool oo uu in muddo ah ku sugnaa.
Torres ilaa iyo hada wax gool ah uma dhalilin kooxda uu ka tirsanyahay eel Chelsea waxaase uu balan qaaday isbadal deg deg ah waqtiyada soo aadan.
W/Q: Maxamed Cisman Cumar (Xabiib)
Email: Xabiib66@hotmail.com.
Tell:+ 254 (0)722 572 477.