Muqdisho,(WNT):-Askari ka tirsan ciidamada dowlada ayaa la xaqiijiyay in xalay kooxo hubeysan ku toogteen xaafado ka mid ah degmada Wadajir ee Gobolka banaadir.
Kooxaha hubeysan ayaa la sheegay in si gaadmo ah askarigaasi ku toogteen halka mid kalena ay dhaawac u gaysteen.
Dadka ku dhaqan Xaafada Buula-xuubeey ee degmada Wadajir ayaa ku waramay in markii dilku dhacay goobta soo gaareen ciidamo aad u farabadan.
Ciidamada ayaa xalay ilaa saaka lagu soo waramayaa in baaritaano xoogan ka wadaan goobtii falka dilka iyo dhaawaca uu ka dhacay.
Lama oga cida howlgalkaasi ku soo qab qabteen ciidamada dowlada balse waxaa laga cabsi qabaa in saameyn ku yeesho dadka Rayidka ah.
Maalmihii la soo dhaafay xaafado ka mid ah degmada Wadajir waxa ka dhacayay falal amni dari ah gaar ahaan dilal iyo qaraxyo lala beegsanayo ciidamada dowlada KMG ah.
Xafiiska Wararka Waayaha.net,Muqdisho.