Nairobi,(WNT):-Saraakiisha amaanka dalka kenya ayaa la sheegay in amaro culus dul dhigeen shirkadaha isgaariinta ee dalkaasi ka howlgala.
Amarada shirkadaha ka dul dhigay ayaa ahaa in ay soo gudbiyaan Taleefanada ay siiyeen Macaamiishooda.
Waxaana saraakiisha amaanka arintaasi lagu macneeyay in ay kala gol leeyihiin dhaq dhaqaaqyada dhanka isticmaalka taleefanada.
Shirkada lagu magacaabo Safaricom oranja ayaa ka mid ah shirkadaha warqada amarka ah loo gudbiyay.
Amarka ka soo baxay saraakiisha amaanka ayaa ah mid saameyn culus ku yeelan doona soomaalida dalkaasi ku dhaqan.
Soomaalida aad u farabadan ayaa ku sugan dalka Kenya kuwaasi oo qaarkood u jooga ganacsi halka kuwo kalena ay yihiin kuwo ka cararay rabshadaha dalkooda isla markaana halkaasi iska dagay.
Xafiiska Wararka Waayaha.net,Muqdisho.