Home                  Wararka                  Maqaallada               Islaamka              Dhaqaalaha         Waxbarashadda               Cayaaraha        Suugaanta         Contact us
  allburtinle.com
kaalonederland.org
Allsbc.com
Alcarab.com
Allpuntland.com
Allsanaag.com
Aminarts.com
Afnugaal
Aflax
Allwadani
Altaqwaa.com
AllSomali.com
BBC Soomaali
Biyokulule
Dayniile
Dhahar.com
Jamhuuriya
Jirac.com
Gedonet.com
Godeynews.com
Golkhatumo.com
Hiiraan.com
HornAfrik Online
Hobyonet
Horseednet.net
Ramaas Software
Radio Garowe
Radio Dalmar
Laasqoray.net
MarkaCadey.net
Mudug Online
Mudulood.com
Midnimo.com
Puntlandpost
Puntlandonline
Qandala.com
Somalia Online
Somalitalk
Somalitribune
Somaliweyn
Somaliland.org
Onkod.net
Widhwidh.com
WardheerNews
 
Muqdisho, Shalay iyo Maanta

Marka hore mahad idilkeed waxa iska leh Allaah, naxariis iyo nabadgelyana

Rasuulkeeni ayey korkiis ahaatay.

  

Kadib burburki dowladi dhexe ee Soomaaliya, dhammaan waddankii waxa ku dhacay bur  bur iyo dibu dhac aan caadi aheyn. Waxa uu waddanki gacanta u galay kooxo burcad ah, oo banneystay dhiigii iyo hantidii shicibka. Waxa ay dhacayeen, boobayeen,kufsanayeen, xoog ku haysteen guryihi iyo dadweynihii Soomaaliyeed, oo ay uga faa’ideysteen fursad ay ku heleen darted. Waxa intaas kaba sii darnaa Muqdisho oo aheyd Caasimadii waddanka, oo Soomaali waxey hanti heysatay ay gelisay muddadi 30ka sano aheyd ee xorriyadda la heystay, oo ku danbeysay arin aan halkan lagu cabiri karin.

   

Haddaba waxaan rabaa inaan qormadeydan ku eego xaaladda magaalada Muqdisho sidii ay aheyd muddadii 16kii sano ee uu waddanku dowlad la’aanta ahaa iyo maanta oo ay gacanta ku hayaan Maxaakiimta Islaamiga ah. Wey jiraan magaalooyin baddan, oo ay dadkoodii  isdaba qabteen  oo ay dhulkoodii dib u dhisteen, gaarsiiyeyna nabad iyo horumar, sida Boosaaso, Hargeysa, Burco, Gaalkacayo, Jowhar iyo Garoowe. Runtiina horey waa loo tilmaamey weyna ku ammaanan yihiin.

  

Muqdisho waxa ay ka mid aheyd magaalooyinka geeska Afrika ee sida aan caadiga

aheyn horumarka u sameeyay muddadi 30ka sano aheyd ee uu dalku xoriyadda heystay ( 1960 – 1990 ). Waxa ay aheyd magaaladii uu qof kasta oo Soomaali ah ku riyoon jiray, in uu dego ama guri ka dhisto. Magaaladii heerkaa mareysay waxa ay gacanta u gashay niman dagaal oogayaal ah, oo aan dalka u naxeyn, dadka u damqaneyn, waxey arkaanna dhacaya, boobaya, iyaga dhexdoodana aan heshiineyn, kaabiyaalki qaranka albaabada u xiray sida Dekadii weyneyd, Airportigi, waddooyink waaweynaa ee magaalada dhex mari jira, meel walba isbaaro ayey dhigteen, oo dadka waagii alla keenaba lagu furan jiray. Waxa dhacday dad Muqdisho wada joogya inaanay 16kaa sano is arag, nabadgelyo xumo darteed. Waxaa intaas u dheer bur burka ku yimid guryihi dawladda, wasaaradihi, warshadihi, hoteeladii, dhammaan hay’adihi dowladda, oo maanta marka aad aragto sawirkooda aadan maleysan karin.

  

Maxakamadaha Islaamiga ah markey ka guuleysteen nimankaa Mujrimiinta ah, oo ay

gacanta ku dhigeen magaaladii Muqdisho gebi ahaanteed, waxa ay durbadiiba

bilaabeen sidii ay wax uga qaban lahaayeen bur burkaa iyo dhibkaa faraha baddan ee

soo gaaray dadka iyo dhulkaba. Waxey judhiiba  bilaabeen Ololihi Nadaafadda

magaalada. Waxey albaabada u fureen Airporkii Caalamiga ahaa, sidoo kale dekadi

weyneyd ee Muqdisho. Hantidi iyo Guryihi dadka laga dhacay ayaa intii la garanayay

iyo inti soo dacwooteyba loo celiyay. Waxaa intaas oo idil ka muhiimsan Qaadka oo

ahaa ibtilo ummadda Soomaaliyeed loo soo diray ayey joojiyeen, taasoo dhaqaale aad u fara baddan, oo weliba lacag adag ah ayaa maalin walba dadka iyo dalkaba ka bixi jirtay. Waxa iyadana arin aad loogu farxo aheyd sidi ay uga hadleen arimihi

qarniyada baddan soo jireenka ahaa ee lagu quursanayay ummadda laguna heyb sooci jiray dadka laga tiro baddan yahay.

     

Haddaba waxa isweydiin leh, arimahaa aan kor kusoo sheegnay oo idil Maxkamaduhu maku aamanan yihiin mise waxey muddan yihiin in la cambaareeyo. Run ahaanti maamul walboo jira, oo isku daya inuu waxqabto wuu yeelanayaa dhaliilo, haddana mar walba waxa wanaagsan qofku wuxuu qabto oo wanaag ah in laga sheekeeyo oo loo mahad celiyo.

 

Xadiis ayaan filayaa inuu oranayay qofki aan dadka u mahadcelin, Allaahna

uma mahad celiyo. Maxkamduhu waxey qabteen arimo, ay taariikhdu xusi doonto,

da’yarta danbe looga sheekeen doono, oo iskuulada loogu qori doono. Waa wax qof kasta oo waxgarad ah, oo si joogto ah ula socday dhacdooyinki Soomaaliya muddadi bur burka uu ka mahad celinayo. Laakiin qofka xaqiirka ah isagu meesha kuma jiro.

  

Waxa haddaba in wax laga tilmaamo u baahan, Maxaa tan xiga?. Run ahaanti haddii

aan la helin Qaran Soomaalyeed, oo gacan ku dhiga dhammaan dalki oo dhan, wey

adkaan doontaa sidi  wanaagaas ay Maxkamduhu sameeyeen  loo sii ceshan lahaa.

Soomaalidu maanta waxa ay u baahan yihiin waa dib u yegleelida Qaran Soomaaliyeed.

 

Haddaba waxa isweydiin leh sidee lagu gaari karaa?. Anigu weli waxaan taaganahay

fekirkeygii hore ee ahaa in ay Miis wada fariistaan Dowladda kumeel gaarka ah iyo

Maxkamadaha Islaamiga ah, oo wixi khalad ah ee jira leyska saxo. Dastuurka u

degsan Dowladda federaalka ah wixi ka hor imanaya Diinteen islaamka ah In daaqadda laga tuuro. Lagu soo kordhiyo wixi maslaxad u ah dalka iyo diintaba ee ka maqan.

 

Sababta aan u leeyahay arintaas, oo aan ugu dheganahay fikirkeygaas waa kadib

markaan arkay sida ay Soomaali meel walboo ay joogto ay ugu dayacan tahay, oo ay dad baddan qarka u saran yihiin xitaa inay diintoodii lumiyaan, oo caruuraheeni ay

jeelalka uga buuxaan,dumarkeeni ay beylah u noqdeen, dhaliyaradeeni ay balwaddu la tagtay, guryo iyo qoysas baddan oo Soomaaliyeed ay ku bur bureen. Sida kalya aan isleeyahay wax weyku hagaagi karaan, waa Soomaali oo gacmaha isqabsada, culumadeeda, siyaasiinteeda, aqoonyahankeeda, oday dhaqameedyada, ganacsato, haweenka, ciroole iyo waayeel, dhalinyaro, oo ka qeyb qaata sidi loosoo celin lahaa qaran Soomaaliyeed.

  

Haddaba hadalkeyga waxaan kusoo gabagabeynayaa Soomaaliyey danteenu waxey ku jirtaa inaynu helno Qaran Soomaaliyeed, oo ay lafdhabar u tahay diinteen islaamka ah, ee aynu wadajir u baadi goobno. Aynu iska deyno caadifadda qabiilka iyo laab lakaca beenta ah. Aynu iska deyno isfiirsiga waqtiga naga lumiyay. Maxkamadaha waxaan oran lahaa libintaas aad soo hoyseen oo ay taariikhda xusi doonto heyska dayacina ee raadiya qaran sidi loo heli lahaa. Dowladda federaalka ahna waxaan oran lahaa nimaan kuu furi doonin yuu kuu xirin, ee Soomaali raadiya, oo ogolaada inaad dalka gudihiisa ka furtaan shirka dibuheshiisiinta. Caam ahaan dadweynaha Soomaaliyeedna waxaan oran lahaa war haloo duceeyo dalka in uu Allaah towfiiqda na waafajiyo, oo ay arimuhu kusoo gabagaboobaan sida kheyrka uu ku jiro.

  

Wax walboo aan saxay waxey u sugnaatay Allaah. Wixi aan ku khaldamayna waa

nafteyda iyo sheydaan.

  

Wabilaahi Towfiiq

Cabdixakiim Jaamac Jooje

Social Development Adviser

 

Maqaalkani ka turjumi mayo shabakada Waayaha.net waxaa is leh qoraaga ku saxiixan

 




   
Dawwo:Haween Soomaali ah oo xabsiyo dheer dheer lagu xukumay dalka Maraykanka    18 May 2013
Maxkamada Magaalada Minneapolis ee Mareyknka oo xukun kala duwan ku riday dhalinyaro Soomaaliyeed!!(Daawo Muuqaal+Warbixin)‏    16 May 2013
BAYAAN URURKA SAHAL UK    15 May 2013
© Copyright   Waayaha.Net    All rights reserved.   editor@waayaha.net       Design by   Ramaas Software