Home                  Wararka                  Maqaallada               Islaamka              Dhaqaalaha         Waxbarashadda               Cayaaraha        Suugaanta         Contact us
  allburtinle.com
kaalonederland.org
Allsbc.com
Alcarab.com
Allpuntland.com
Allsanaag.com
Aminarts.com
Afnugaal
Aflax
Allwadani
Altaqwaa.com
AllSomali.com
BBC Soomaali
Biyokulule
Dayniile
Dhahar.com
Jamhuuriya
Jirac.com
Gedonet.com
Godeynews.com
Golkhatumo.com
Hiiraan.com
HornAfrik Online
Hobyonet
Horseednet.net
Ramaas Software
Radio Garowe
Radio Dalmar
Laasqoray.net
MarkaCadey.net
Mudug Online
Mudulood.com
Midnimo.com
Puntlandpost
Puntlandonline
Qandala.com
Somalia Online
Somalitalk
Somalitribune
Somaliweyn
Somaliland.org
Onkod.net
Widhwidh.com
WardheerNews
 
Inter Milan oo u soo gudubtay Finalka Champions League (Sawir).

Barcelona,(WNT):-38 Sanno ka dib Inter oo ku ciyaaraysay 10 ciyaaryahan mudo ka badan halsaac ayaa xaqjiijisatay usoo gudbitaankeeda Finalka Champions League inkastoo caawa Inter looga adkaaday 1-0 hadana Barcelona waa lagu dhabar adeegay ka dib markii ay shabaqa Inter u dhawaan weyday iyadoo Thiago Motta daqiiqadii 28-aad dibada looga saaray garoonka.

Inter waxay Barcelona tusisay quwada ay u leedahay inaay goolkooda difaacan karto 90 daqiiqo ka dib markii ay shabaqeeda xeyndaab aan laga gudbi karin ku wareejisay waxaana Barcelona ay kari wayday inaay iska dhex mushaaxdo diilinta 18-aad iyadoo waliba min biloow iyo ilaa dhamaad Inter aysan qaadin wax weerar ah.

100.000 boqol kun oo taageere oo lagu daray 11-ka ciyaartooy ee Barcelona ayaa garoonka kadareeray iyagoo aad ugu murugaysan ka haritaanka Finalka lagu qaban doono magaalada Madrid.

Barcelona waxay heshay ilaa 4 fursadood balse mid qura ayay ka xaqiijisay inaay shabaqa la hesho daqiiqadii 84-aad hase yeshee Inter waxay ku mintiday sidii ay u difaacan lahayd 3 gool ay kusoo dhalisay gurigooda Milano, Barca waxaa looga baahnaa inaay caawa ku badiso ilaa 2 - 0 balse waxay heshay gool qura taasoo geyeysiinaysa inaay isaga harto Championka.

Waxaa musjiso iyo layaab ahayd Tababare Mourinho oo garoonka kusoo galay Qaab ciyaareed aan hore looga baran ka dib markii ciyaartooydiisa weerarka uu ku qasbay inaay difaaca ka ciyaaraan iyadoo la arkaayay Milito iyo Eto oo difaacaya goolkooda.

Inter oo ugu danbaysay Final ay timaado May 31, 1972, iyadoo lagu ciyaarayay garoonka Feijenoord Stadion ee magaalada Rotterdam ee dalka Holland, taasoo ay is haleeleen kooxda AFC Ajax  oo 2 - 0 kaga adkaatay F.C. Internazionale Milano Italy  iyadoo goolasha markaasi laga dhaliyey qeybtii danbe ee ciyaarta ayaa waxaa goolkii daah furka ka dhaliyey xiligaasi Johan Cruijff, Tababare Mourinho oo looga bartay geesinimada iyo Isbiiridka ayaa kooxdiisa Iskoor cusub u dhigay.

Si kastaba ha ahaatee Inter waxay fooda is dari doonaan magaalada Madrid garoonka Benerboe kooxda iyadana xalay xaqiijisay usoo bixideeda Finalka Bayern Munich.

Labada Final ayaa waxaa kakala maqnaan doona Thiago Motta iyo Ribery oo la ganaaxay sedex ciyaar waxaana lagu balansan yahay May 22-keeda magaalada Madrid.

Barcelona shaqo weyn baay qabatay weeyna isku dayday waxkastoo suura gal ah laakin Mourinho iyo Ciyaartooydiisa waa ay diideen in laga adkaado.

Xafiiska Wararka Waayaha.net,Muqdisho.




   
Qaraxyo Ismiidaamin oo Maanta ka dhacay Garoonka diyaaradaha ee Magaalada Muqdisho.    09 Sep 2010
© Copyright   Waayaha.Net    All rights reserved.   editor@waayaha.net       Design by   Ramaas Software